2871 Views

Boolis ka tirsanaa AMISOM oo ka baxay Somaliya”Sawiro”

Boolis ka tirsanaa  AMISOM oo ka baxay Somaliya”Sawiro”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 1, 2017—Ciidamo ka tirsanaa Booliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka baxay dalka kuwaas oo munaasibadda sagootintooda lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Saraakiishan oo ka socday Dalka Uganda ayaa waxaa ay dhameysteen howshooda oo u badneyd hir gelinta doorashada Soomaaliya qeybteeda amniga iyox aqiijinta amniga munaasibaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxame dCabdullahi Farmaajo.

Ciidamadan ayaa dhameystay shaqadii ay ka hayeen Soomaaliya,waxaana ay tababar siin jireen Ciidamada Booliska ah ee Soomaaliya oo iyagana ka qeyb qaatay sugidda amniga goobaha doorashada ee Soomaaliya Sanadkii 2016kii.

Saraakiisha ugu sarreysa AMISOM ayaa Ciidamada ka socday Uganda ee ka baxay Dalka waxaa ay ku doonsiiyeen billaado iyo shahaadooyin ay ku muteysteen waxqabadkooda SOomaaliya.

Saraakiisha AMISOM ee ka qeybgashay munaasibadda  waxaa ka mid ahaa Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOM Cismaan Nuur Subagle,Taliyaha guud ee Booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay iyo Danjire ku xigeenka Uganda ee Soomaaliya Nathan Mugisha.

Waxaa kale oo madasha joogay Saraakiil kale oo ka socday Booliska Soomaaliya iyo qeybaha kale ee AMISOM,ciidamadan ayaa lagu amaanay doorkii ay ka qaateen in doorashada Soomaaliya ku dhacdo si nabad ah sidoo kalena ay tababareen Boolis Soomaali ah.

 

777 55555 66666 444444

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment