2493 Views

Duqii hore ee Muqdisho oo xil muhiim ah loo magacaabay

Duqii hore ee Muqdisho oo xil muhiim ah loo magacaabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  August 2, 2017— Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo la taliye sare ee xafiiska Madaxweynaha dhinaca Arrimaha Siyaasadda.

Degreeto ka soo baxday maanta xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Max’ed Axmed Nuur Tarsan in uu noqdo lataliye sare ee dhanka siyaasadad ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Tarsan oo horey u soo noqday  Guddoomiyihii gobolka Banaadir ayaa kamid ahaa musharixiintii u tartamaysay xilka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashadii madaxtinimo ee horaantii sanadkaan ka dhacday dalka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment