2763 Views

Ugaandha Oo Aad Kaga Walacasan Xalada Ciidamadeed Ee Ku Sugan Soomaaliya

Ugaandha Oo Aad Kaga Walacasan Xalada Ciidamadeed Ee Ku Sugan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  August 09, 2017 –Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay ka walaacsan Weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadayaan Ciidamadeeda qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada dowladda Uganda ayaa sheegay in sanadyadii lasoo dhaafay dagaallo  iyo dhibaatooyin ay ka mid yihiin Weeraro ay la kulmeen Ciidamada Uganda ee ka qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Waxaa uu u sheegay Wargeys kasoo baxa Uganda in Ciidamada aysan heysanin qalab ay iskaga difaacikaraan Al-Shabaab.

Sarkaalkaasi ayaa sidoo kale tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in Midowga Afrika ay ka gaabiyeen wax u qabashadda ciidamada dowladda Uganda ee Joogga Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Uganda ayaa ka qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana dhawaan Al-Shabaab Weerar ay ku qaadeen ciidamada Uganda ay ku dileen 12 Askari gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkaasi waxii ka dambeeyay Saraakiisha Ciidamada dowladda Uganda ayaa walaac ka muujinaayay joogitaankooda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment