3498 Views

Maamulka Koofur Galbeed Oo saanad ciidan ku wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow

Maamulka Koofur Galbeed Oo saanad ciidan ku wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogosto 12, 2017:-Maamulka Koofur Galbeed ayaa gurmad u fidiyay Wadaadka gooni u goosadka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, iyagoo ku wareejiyay saanad hub iyo ciidamo la sheegay inay ka difaacayaan aaggaga Al-Shabaab ka soo weerarayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Koofur Galbeed ayaa la kulmay Sheekh Mukhtaar Roobow, oo ku sugan deegaan ku dhow Abal oo horay fariisin u aheyd.

Saanadan milateri ayaa laga keenay degmada Xudur, waxaana amar ku bixiyay in lagu wareejiyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo lagu wado inuu gaaro Xudur.

Maamulka Koofur Galbeed iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa la sheegay inay isku fahmeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka, mar alla markii uu culeys soo fuulana ay u gurmadaan, kana caabiyaan.

Sheekh Mukhtaar Roobwo Abuu Mansuur ayaa waxaa cadaadis xoog leh uga imaanaya Al-Shabaab, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay ay weerar ku soo qaadeen deegaanka uu degan yahay ee Abal.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weerar weyn oo kama dambeys ah ay ku qaadaan Abuu Mansuur, si ay u soo afjaraan, kaddib dagaal dhowr jeer la isku noqday oo ay ugu suura geli weyday inay soo qabtaan ama dilaan.

Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur oo lagu sheegay inay gaarayaan boqolaal ayaa difaacyo adag ka sameystay deegaanka Abal iyo agagaarkeeda, halkaasoo ah goobo buuraley iyo howd ah, ayna adag tahay cidii difaac gasha si looga bixiyo.

Dowladda Mareykanka ayaa bishii June ee sanadkan liiska argagixisada ka saartay Abuu Mansuur iyo lacagihii madaxiisa dulsaarnaa, waxaana taasi ay keentay in Shabaabka ay culeys soo saaraan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment