2937 Views

DEG-DEH:-Howlgalo Xoogan Oo Iminka Soconaya

DEG-DEH:-Howlgalo Xoogan Oo Iminka Soconaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho August 20, 2017-Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo ka wada deegaano katirsan gobolka Sh/Hoose, oo shalay ay kala wareegeen Dagalamayaasha Al-shabaab.

Ciidamada ayaa howlgalada si gaar ah uga sameynaya deegaanadii shalay lala wareegay, iyada oo baaritaano gaar ah lagu sameynayo wadooyinka iyo xaafadaha qaar ee daaganadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Warbaahinta Dowladad ayaa sheegay in deeganada lagala wareegay Al-shabaab loo sameyn doono maamul, maadaama ay yihiin deegaano Istiraatiiji ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in iminka ay socdaan howlgalada ciidamadda xoogga dalka, oo sida uu sheegay lagu xaqiijinayo amaanka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment