3552 Views

Sawiro:- Ciidamo Cusub Oo Kamid Noqonaya Kuwa Amisom Oo Muqdisho Soo Gaaray

Sawiro:- Ciidamo Cusub Oo  Kamid Noqonaya Kuwa Amisom Oo Muqdisho Soo Gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  21 August 2017 – Koox cusub oo kamid ah ciidanka qaranka Burundi (BNDF) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo hal sano oo shaqo ah uga bilaabanayso Soomaaliya ayagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya AMISOM.

Guutadii 45 aad oo ciidanka Burundi kamid ah isla markaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutooyinka 39 aad oo shaqadooda dhameystay.

Lt. Col. Hatungimana ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay.

Sidoo kale Lt. Col. Hatungimana  ayaa xusey in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele isla markaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi  ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay kamid ah; Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.

01 02 03 04

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment