3903 Views

Sawiro:- Farmaajo iyo Siisi oo kawada hadlay arimo xasaasi ah

Sawiro:- Farmaajo iyo Siisi oo kawada hadlay arimo xasaasi ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 August 2017 – Madaxweyne Farmaajo; waxa uu markiisii ugu horeysay ku tegey siyaaro rasmi ah magaalada Qaahira ee waddanka Masar; madaxtooyada Masar si fiican ayay u soo dhoweysay madaxweynaha iyo wafdigiisa oo uu kamid yahay wasiirka arrimaha dibadda ee DFS.

Sida lagu sheegay war ay soosaartay madaxtooyda Masar; booqashada madaxweyne Farmaajo ee Masar; waxa uu ujeedkeedu yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, waxa uu qorshuhu yahay in labada madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan dhowr arrimood oo ay ugu horreeyaan khilaafka waddamada Khiliijka u dhexeeya oo ay Masar xagga hore uga jirta, waxa suurtagal ah in wadahadlka ay ku jirto go’aanka dhexedhexaadnimada ah ee Soomaaliya ka istaagtay khilaafka u dhexeeya 4ta dowladood ee xiriirka u jartay Qadar.

Munaasabadda soo dhoweyntu ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya; waxa uu ka dhacay qaybta Itixaadiya ee madaxtooyada Masar, taas oo ka dhigan in ay ahayd booqashoo qiimo gaar ahaaneed u leh Masar iyo xulafadeeda ka dhanka ah Qadar.

x1

Wargeyska Al- Ahraam ayaa daabacay hadal ay madaxtooyada Masar, si hordhac ah ugu sheegtay warbaahinta,  kor u qaadidda deeqda waxbarasho iyo taageerada hay’adaha xukuumadda madaxweyne Farmaajoo ay xagga hore uga jiraan wadahadalka labada madaxweyne, sidaas oo kalana Jamhuuriyadda masar waxa ay sii wadeysaa difaaca danaha Soomaaliya marka la joogo golayaasha xiriirka adduunka.

Madaxweyne Cabdifitaax Siisi; ayaa  u sheegay warbaahinta intii ay socotay soo dhoweynta madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisaba in Masar qaadatay go’aanka sii adkeynta xiriirka soojireenka ah ee u dhexeeya Masar iyo soomaaliya, isaga oo muujiyey in waxyaabaha ugu waaweyn ee Masar ka taageereyso Soomaaliyaay ugu horreeyaan adkeynta hay’adaha dowladda, dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo kor u qaadidda awoodda aqooneed iyo tan kartida maamulka ee shaqaalaha dowladda iyo ardayda Soomaaliyeedba, waxa uu sheegay in wakaaladda Wadajirka ee Masar oo qaabilsan horumarintu ay diyaarineyso tababarro iyo aqoon isweydaarsi loogu talagalay horumarinta kaadirka dowladda Soomaaliya.

x1

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankisa sheegay in uu aad ugu farxay sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey magaaladaQaahira; isaga oo xusay xiriirka sooy]jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.

Hagaajinta Xiriirka u dhexeeya Masar iyo waddamada kale ee Afrika ayaa lagu sheegay warka madaxtooyada Masar in uu ku jiro waxyaabaha uu madaxweyne cabdifitaax Siisi siinayo muhiimadda gaarka ah.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment