2436 Views

Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay dhacdadii Bariire

Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay dhacdadii Bariire
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 26, 2017 –Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay dhacadii ka dhacday deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose, sida uu SONNA u xaqiiyey wasiirka Amniga Soomaaliya oo gudoomiye u ah guddigaasi.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa sheegay in la sameeyey guddi baaritaan dhab ah ku sameeya dhacdadii Bariire, islamarkaana aan laga hari doonin inta laga xaqiijinayo waxa sababay dhacdadaasi.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in baaritaano dhab ah ay ku sameeyaan dhacadaasi si bulshada loola wadaago xaqiiqda waxa ka dhacay deegaanka bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment