2664 Views

Guddigii dowladda u magacawday dhacdadii Bariirre oo gaaray maanta

Guddigii dowladda u magacawday dhacdadii Bariirre oo gaaray maanta
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 –Guddigii dhawaan ay dowladda Soomaaliya u xil saartay baaritaanka weerarkii Bariirre ayaa gaaray degaankaas sida ay Idaacadda Mustaqbal u xaqiijiyeen Odayaasha degaanka.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya wasiirka amniga Gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,waxaana ku wehlinaya saraakiil ka tirsan Dambi baarista,Garsoorka,Milatariga iyo saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose.

Wafdigan ayaa degaankaas u tagay Xaqiiq raadin,waxaana la filayaa in ay Beer dhanka Galbeed ka xigta Bariirre oo ah halka uu shilka ka dhacay ay kula kulmaan Odayaasha degaanka ee Wafdigan la ballansan.

Weerarkii 25kii Bishan ka dhacay duleedka Bariirre waxaa ku dhintay 10 Qof oo rayid ah oo saddex ka mid ah ay Carruur ahaayeen,waxaana xaqiijinta dhacdadaas dowladda Soomaaliya dhexdeeda ka abuurtay jaha wareer badan kaddib markii DHowr Wasiir ay hadallo is khilaafsan ka sheegeen.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment