2373 Views

SAWIRO:-Shir muhiim ah oo Muqdisho ka furmay

SAWIRO:-Shir muhiim ah oo Muqdisho ka furmay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL |  August 28, 2017 – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacaya Shirka xal u helidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo laabanaya iyo barakacayaasha gudaha dalka.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,waxaana fulineysa Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo socnaya muddo 3 Cisho ah oo ka bilaabaneysa maanta kuna eg, 30ka August,waxaa ka qeybgelaya wakiillada Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga,Maamul Goboleedyada ka jira Soomaaliya,Dowladda Federaalka ah Xildhibaanno ka socda labada aqal ee Golaha shacabka iyo AAqalka sare,Ururrada Bulshada rayidka ah iyo Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Soomaaliya.

Waxaa diiradda lagu saarayaa sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ka soo laabanaya iyo Barakacayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya.

Todobaadkii la soo dhaafay UNHCR waxaa ay sheegtay in 70,000 oo Soomaali ah ay ka soo celisay Dhadhaab tan iyo 2014kii,iyada oo sidoo kale xustay in Barakacaal ka badan 1Milyan oo Qof ay gudaha Soomaaliya ku suganyihiin.

.a2 a3 a22

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment