2961 Views

Xalada amaan Ee Ceelaaq Oo Laga Deeriyey

Xalada amaan Ee Ceelaaq Oo Laga Deeriyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September  3, 2017 –Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Degmada CeelWaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay iney jirto culees xoogan oo Al-Shabaab ay saareen Ciidamada Dowladda ee Ceelwaaq ku sugan.

Gaashaanle Maxamed Aadan Ilka Case ayaa Wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxa uu ku sheegay in Niyad jab xoogan uu ka muuqdo Ciidamada tirada yar ee haatan Shabaab ka difaaca qabsashada deegaanka, Sababta ayuu ku sifeeyay iyadoo aaney jirin wax taakuleen ah oo ay ka helaan Dowladda dhexe iyo Maamulka Jubaland.

Ilka Case ayaa carabka ku dhuftay in Ciidankooda ay mararka qaar ka dhuuntaa Al-Shabaab iyagoo ka baqanaya iney dilaan ama ka afduubtaan gudaha Magaalada.

Taliyaaa Ceelwaaq ayaa sheegay in xiliyada danbe ee habeenkii ay faarujiyaan Magaalada ayna aadaan dhanka Xuduuda ay la wadaagaan Waqooyi Bari Kenya.

Dhibaatada ugu weyn ee ay qabaan Ciidankooda ayuu ku sheegay iney tahay ka warqabid la’aan dhanka Dowladda iyo Maamulka ay hoostagaan ee Jubaland oo xarun hada u ah Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay ineysan jirin xiligan sabab cad oo Shabaab ka difaaci kara Ceelwaaq maadaama aysan jirin Ciidan u tababaran ka hortagida weerarada Xarakada Al-Shabaab.

Si kastaba Dagaalamayaal la sheegay iney katirsanyihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa Habeen kahor Ceel waaq ka kaxeystay gurigooda laba Nabadoon oo aad looga yaqaanay Gobolka Gedo, waxeyna ku dileen Suuqa Geella lagu iibiyo ee Duleedka Ceelwaaq.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Mustaqbal u sheegay in odayaashan lagu kala magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle iyo Nabadoon Macalin Aadan.

Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle, ayaa la dhashay Ugaaska Beesha Garre, Ugaas Aadan Ugaas Cali Damdamle, waxaana uu ahaa ninkii Ugaasnimada ka dhaxli lahaa Ugaaska Beesha Garre.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment