4095 Views

Tacsi: Marxuum Nabadoon Abuukar Maxamuud Filyaxoor (Nabadoon Abuukar Ganey)

Tacsi: Marxuum Nabadoon Abuukar Maxamuud Filyaxoor (Nabadoon Abuukar Ganey)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12, 2017 – Jaaliyadda Beesha Karanle ee qaarada Yurub oo ka Tacsiyadeyneysa geerida Nabadoon Abuukar Maxamuud Filyaxoor(Nabadoon Abuukar Ganey)

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Stockholm, Sweden( 21-12-1438H) 12-09-2017

Jaaliyadda Beesha Karanle ee qaarada Yurub waxa ay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Nabadoon Abuukar Maxamuud Filyaxoor(Nabadoon Abuukar Ganey) oo xalay oo talaado aheyd isla markaana taariikhda bisha islaamka ee hijriyada ay aheed 21 bisha dulxaj(Arafo) sanadka 1438 waafaqsana taariikhda bisha milaadiga ee ah 12ka bisha sibteembar sanadka 2017ka ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya. Waxaan Ilaaha awooda badan uga baryaynaa inuu nabadoonka naxariistii jano siiyo oo qabrigiisa uu u nuuriyo su’aasha qabrigana u fududeeyo insha Allah.

Waxaa Ilaahay ka baryaynaa inuu Janatul Fardowsa geeyo oo uu ka dhigo marti la jecelyahay dhamaan eheladiii iyo qaraabadii uu ka tageyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin yaa Allah.

Waxaa tacsi  loo dirayaa caruurtiisa iyo caruurta oo awoowaha u yahay oo kala jooga dunida daafaheeda. Waxaa Tacsi gaar ah loo dirayaa caruurtiisa kala ah:-

1- Deeqo Abuukar Ganey

2- Sucaad Abuukar Ganey

3-Khadro Abuukar Ganey

4-Asad Abuukar Ganey

5-Nuuradiin Abuukar Ganey

6- Xaaji Abuukar Ganey

7- Fartuun Abuukar Ganey.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun.

Nabadoonka Allaha u naxariisto dhamaan ehelada iyo qaraabada uu ka tageyna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.AAMIIN.

.

Jaaliyadaha beesha Karanle ee qaarada Yurub.

Xiririyaha Jaaliyadaha beesha Karanle ee qaarada Yurub

Cabdallah Aadan Xasan

Email: abdullahihassan@hotmail.com

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment