3099 Views

Sawiro:-Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Saldhigga Uu Dhawaan Turkiga Ka Furtay Soomaaliya

Sawiro:-Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Saldhigga Uu Dhawaan Turkiga Ka Furtay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | September 30, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo taliyaha Guud ee Ciidamada dowladda Turkiga ayaa xariga ka jaray Goor dhow Saldhigga ay dowladda Turkiga ay ka furatay Muqdisho.

Munaasabadda Furitaanka Saldhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan cali Kheyre, Xildhibaano iyo taliyaha Guud ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cirfiid.

Saldhiggaan ayaa lagu tababari doono ciidanka qaranka ee Soomaaliya.

Saldhigaan ayaa markiiba marti galin kara kun iyo shan boqol oo askari.

Waxaa Saldhigga uu ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Saldhigga ayaa bilowday Sanadkii 2015-tii waxaana lagu dhisay lacag ka badan 50 Milyan oo Dollar.

1 2 3 4 5 6 7

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment