4707 Views

Wasiirkii Arimaha Dibada Kenya oo kamid noqotay lataliyaasha QM

Wasiirkii Arimaha Dibada Kenya oo kamid noqotay lataliyaasha QM
____________________________________________________________________________

Muqdiaho | QOL | October 04, 2017 —Wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa ka mid noqotay lataliyayaasha Madaxbanaan ee Qaramaada Midoobey kala talineysa arrimaha horumarinta,Dhaqaalaha,Cimillada iyo nabadda.

Madaxweynaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey Miroslav Lajcák,ayaa soo magacaabay 15kiisa lataliye madaxa banaan waxaana ka soo dhex muuqatay Amina Maxamed oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ee hadda.

Amina ayaa markii ay soo gaartay magacaabistan sheegtay in ay ku faraxsantahay islamarkaana soo dhaweyneyso arrintan oo ay sheegtay in ay muhiim u tahay mustaqbalka dadka ay matasho.

Jimcaha soo socda ayey kulankooda ugu horreeya yeelan doonaan waxaana ay ku dejin doonaan Ajandaha Qaramada Midoobey ee Sanadka soo socda oo ay ka mid yihiin Nabadda,hiigsiga horumarinta Caalamka iyo hirgelinta heshiiskii Cimillada ee Paris lagu saxiixay 2015kii.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in kulanka uu ka dhici doono  New York,Jimcaha soo socda sidoo kalena ajendaha la dejinayo ay qeyb ka tahay dib u habeyn lagu sameynayo Qaramada Midoobey laftirkeeda,xuquuqda aadanaha iyo sharafta aadanaha.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment