2394 Views

Xubno katirsan Barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Mareykanka

Xubno katirsan Barlamaanka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Munaasabadan ballaaran oo lagu soo dhaweynayay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ,waxaana ka qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed,Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Duqa magaalada Minneapolis.

Wafdigan waxaa kamid ahaa xildhibaan Xaniifa Maxmed Ibraahim Xaabsade, Samsam Maxmed, iyo Faadumo Abuukar,waxaan halkaasi ka hadashey xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegaty in booqashadooda ay wax weyn ku soo kordhinayso farxadaaha Soomaalida ku nool Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadashey Haweeneyda Duqa magaalada ka ah Minneapolis, iyadoo muujisay sida ay maamulkedu uu diyaarka ugu yahay garab istaaga bulshada Soomaaliyeed,waxayna xusatay in ay ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa nolosha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaaladaasi

Xildhibaan Xaniif Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Samsam Maxmed oo ka mid ah wafdigan oo ka socoday Golayaasha Shacabka iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka, iyagoo sheegay in looga baahanyahay Qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan dib u dhiska Dalkooda.

Wafdigan ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo uu la yeeshey mas’uuliyiinta qaar kamid ah hay’adaha iyo golayaasha Dowladda Mareykanka waxayna u kuurgalayeen sida ay u socdaan howlaha dastuurkiga ah ee hay’adahaasi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment