2526 Views

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka baaqday safar dalka Turkiga ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 15 October 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka baaqday safar rasmi ah oo uu ugu kicitami lahaa dalka Turkiga ka dib masiibadii shalay ka dhacday Muqdisho si uu shacabka Soomaaliyeed baroordiiqda ula wadaago.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ugu socday dalka aan wallaalaha nahay ee Turkiga ka baaqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo rasmi ah la lahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Rejab Dayib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qadka telefoonka kula hadlay Madaxda Turkiga si uu uga cudur daarto, weyna ka aqbaleen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la hadlay dalal aan wallaalo nahay oo uu ka codsaday inay gurmad deg-deg ah u soo fidiyaan dadka dhaawaca ah, dhowaana waxaa bilaabaneysa in dadka dhaawacyadoodu culus yahay loo qaado dalka dibeddiisa.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment