2685 Views

Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Kenya

Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 October 2017 ––Ugu ugu yaraan 5 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Shil diyaaradeed oo saaka ka dhacay Gobolka Nakuru ee Dalka Kenya .

5 Qof ee dhimatay ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaan yeen Kooxda Ololaha Haweeney ka tirsa Xisbiga Jubilee,waxaana ay xilligaas ku sii socdeen isu soobax uu lahaa Xibsiga kaas oo la filayo in uu ka qeyb galo Uhuru Kenyatta.

Raggan ayaa la sheegay in xalay ay Hotel ay degganaayeen kaga baxeen Gaari,saakana iyaga oo cabsan ay soo laabteen kaddibna qaateen Diyaarad iyada oo ay kula dul dhacday Harada Nakuru.

Waxaa ay ka mid ahaayeen 100-ka Qof ee Haweeneyda lagu magacaabo Susan Kihika, wakiilka uga ah ololaha doorashada ee Xisbiga Jubilee,waxaana hadda la xaqiijiyay geeridooda.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in markii saaka ay diyaaradda dhaceysay ay ku socotay joog hoose,islamarkaana uu isaga isleeyahay in ay geed ku dirsatay sidaasna ku dhacday.

Kooxda Gurmadka deg degga ah ayaa laga sugayay in ay ka baxaan Mombasa oo ay ka gaaraan hayeeshee waxaa ay tageen 3 Saacadood kaddib taas oo sii murjisay in dadkaas la badbaadiyo.

Saraakiisha Gobolka waxaa ay sheegayaan in cilladda dhabta ah aan wali la ogaan lana raadinayo,Nin ogaa markii ay Hotelka ka baxayeen ayaa sheegay in Raggan iyag oo cabsan ay diyaaradda raaceen isagana markaas uu u arkayay in ay wax badan ka qaldanyihiin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment