2691 Views

Kenya Oo Sheegtay In Al-shabab ay 5 Qof Ku Dhaawaceen Lamu

Kenya Oo Sheegtay In Al-shabab ay 5 Qof Ku Dhaawaceen Lamu
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 22  October 2017 – Ciidanka Amaanka Kenya ayaa sheegaya in ay ku daba jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ee sohdinta jooga ayaa sheegay in 5 Qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen kaddib markii shalay gelinkii dambe ay Al-shabaab weerar ku qaadeen Gaari ay saarnaayeen Dad rayid ah oo marayay Waddada u dhaxeysa Degaannada Bodhei iyo Ijara ee Sohdinta Lamu iyo Gaarisa.

Ciidamada ayaa sheegaya in ay hadda ku daba jiraan Ciidamada Al-shabab ee weerarkaas geystay shalay islamarkaana ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay ku baacsadaan Al-shabaab.

Degaanka uu Weerarka ka dhacay ayey Ciidamada Kenya sheegayaan in ay 9kii Bishan ku dileen shan ka mid ah Al-shabaab,sidoo kalena kaga qaateen Rasaas iyo Hub ay wateen.

Joseph Kanyiri, oo ah Taliyaha Ciidamada Kenya ee howlgalka Boni ayaa sheegay in Dadka shalay la weeraray ay u badnaayeen Haween Muslimiin ah oo saarnaa Gaari Dadweynaha ah.

Dadka degaanka ayuu ka codsaday in ay Ciidamada ka caawiyaan xogta la xiriirta joogitaanka Al-shabab ee degaankaas,si ay Ciidamada ula dagaallamaan.

Mr Kanyiri waxaa uu sheegay in Xiriirka Ciidamada iyo dadka degaanka oo aan wanaagsaneyn ay sabab u tahay weerarrada joogtada ah ee ay Al-shabaab ka fuliyaan degaannadaas isaga oo intaas ku daray in Ciidamada uusan dadaal u yareyn laakiin aysan wada shaqeyn dhab ah ka heysan dadka degaanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment