3690 Views

Ciidanka Gaarka ah Ee Uganda Oo Howlgal Xooga Ka Billaabaya Somaliya

Ciidanka Gaarka ah Ee Uganda Oo Howlgal  Xooga Ka Billaabaya Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho   | QOL |  24  October 2017 –Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in todobaadyada soo socda ay Soomaaliya u soo direyso Ciidamadeeda gaarka ah ee la dagaallanka Argagixisada iyo kuwa sirdoonka, si ay Al-shabaab ugula dagaallamaan gudaha Soomaaliya.

Taliyaha guud ee Ciidamada dowladda Uganda ayaa , Brig Kayanja Muhanga, ayaa sheegay in ay dhawaan billaabayaan in Ciidamadaas la geeyo goobaha dagaalka ee gudaha Soomaaliya,si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Uganda ayaa horay u billowday in ay yareeyso Ciidamadeeda jooga goobaha  halista badan ee Soomaaliya,kaddib markii ay heli weysay taageero dhaqaale iyo mid Ciidan oo dhinaca Hawada ah.

“Laakiin Qaraxii Todobaad ka hor ka dhacay Muqdisho waxaa uu beddelay muuqaalka dagaalka ka socda Soomaaliya waana sababta ay dowladda Uganda u go’aansatay dagaalkeeda ka dhanka ah Argagixisada in ay xoojiso” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka Uganda.

Kulankii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda ee ka dhacay Kampala ayey iskula soo qaadeen dhameynta qatarta Al-shabab ee gobolka sida ku xusan warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka Uganda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Difaacka Kenya Gen David Muhoozi uu dhawaan safar ku yimid Soomaaliya kulanna la qaatay Taliyayaasha Milatariga Soomaaliya si loo qorsheeyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.

Uganda waxaa ay ka mid tahay waddamada daneynaya in Soomaaliya loo helo xasilooni waarta,hayeeshee waxaa ay dhawaan billowday in ay dhinto Ciidamadadeed kaddib markii Miisaaniyadda ku baxda AMISOM la dhimay,taas oo saameyn taban ku yeelatay howlgalka Uganda ee Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa dhawaan kordhiyay joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya waxaana ay gaarsiiyeen ilaa Bisha May 2018ka,iyada oo isla xilligaas ka horna la dhimayo tirade AMISOM ee joogta Soomaaliya oo la gaarsiinayo 21,626 Askari,Bisha December ee 2017,iyada oo taas ay bar gar socoto amni kuwareejinta Ciidanka Soomaaliya.

Gaba gabada Howlgalka AMISOM ayaa lagu sheegay in lagu soo koobayo 1,040, Askari oo ah Shaqaalaha Booliska AMISOM iyo 5 Unug oo ah Booliska AMISOM.

30 October 2018ka,ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in xilligaas ka hor la dhimo Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyada oo marka waqtigaas la gaaranaya tirade AMISOM ee Soomaaliya joogto la gaarsiinayo 20,626  oo Askari.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment