2541 Views

Ra’islawasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa Turkiga

Ra’islawasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa Turkiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho |QOL | 26 Oktoobar 2017 — Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dalkaas Bin Cali Tildrim.

Labada Ra’isalwasaare ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal,xiriirka,kaalmada Turkiga ee Soomaaliya iyo amniga.

Ra’isalwasaare Kheyre waxaa uu dowladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen  gurmadka musiibadii 14kii October ka dhacday magaalada Muqdisho ee ay dadka badan ku dhinteen.

“Waxaan uga mahed celin walaalaha Turki, sidii ay uga damqadeen dhacdadii 14-ka bishan ka dhacday isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, taas oo shacab badan ay ku waayeen noloshoodii qaarna ay ku dhaawac meen ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqan doona dadkii ku dhaawac may qarixii isgoyska Zoope kuwaas oo la geeyay dalka Turkiga, si loogu soo daweeyo. Waxuuna indho indheen doonaa xaaladooda caafimaad.

 

p1 p2 p3 p4 p5 TTT

PR-KHAYRE-TURKEY-3 PR-KHAYRE-TURKEY-2 PR-KHAYRE-TURKEY-1

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment