2865 Views

Uganda Iyo Sudan Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Taageerada AMISOM

Uganda Iyo Sudan Oo Ku Baaqay In La Xoojiyo Taageerada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 15, 2017–Dalalka Uganda iyo Sudan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay dardar geliyaan taageerada la siiyo ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya.

Warkan ayaa imaanaya, xilli dhawaan Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay sheegeen in ciidamada AMISOM laga dhimayo 1,000 askari, taas oo la xiriirta dhaqaala yari soo wajahday howlgalka AMISOM.

Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Al Shabaab iyo sugida amniga iyo degenaashaha dalka.

Dowladda Uganda ayaa ah dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana dhawaan ay sheegtay in ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay u soo dirto ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka noqday howlgalka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment