3714 Views

10 qof oo ku dhimatay rabshado ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

10 qof oo ku dhimatay rabshado ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–Ugu yaraan toban ruux, ayaa waxaa la sheegay inay ku dhimatay shaqaaqooyin Xalay fiidkii ka kala dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee Somaliland.

Shaqaaqooyinkan, ayaa waxay ka dambeeyen markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xisbiga Kulmiye uu ku shubtay doorashadii maalintii Isniintii ka qabsoomtay Deegaanada Somaliland.

Wakiilada Xisbiga Waddani, ayaa Arbacadii sheegay inay joojiyeen wada shaqayntii ay la lahaayen Guddiga Doorashada Somaliland, ka dib markii ay sheegeen inaanay waxba ka qaban cabashooyinkoodii.

Dhalinyaro careysan oo Maqribkii isugu soo baxay Galbeedka Magaalada Burco, ayaa waxaa la soo warinaya in ay isu dhaceen ciidamada ammaanka. Ciidamada waxaa la sheegay inay rasaasta nool nool adeegsadeen, taasina ay dhalisay dhimashada in ka badan sideed ruux iyo dhaawaca tiro kale.

Isku dhac kale oo Xalay fiidkii ciidamada iyo dhalinyaro careysan ku dhex maray xaafadda New Hargeysa ee Magaalada Hargeysa, ayaa sababtay dhimashada in ka badan laba qof iyo dhaawaca tiro kale. Labada qof ee dhintay waxaa lagu sheegay inay dumar ahaayen.

Shaqaaqooyinka Xalay ka kala dhacay Burco & Hargeysa, ayaa si guud looga dareemay Deegaanada Somaliland, iyadoo dadkuna ay walaac ka muujiyeen shaqaaqooyinkaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment