2823 Views

Sawiro:–Kulan Muhiim u ah Shacabka G/Bandir Oo Muqdisho Ka Dhacay

Sawiro:–Kulan Muhiim u ah Shacabka G/Bandir Oo Muqdisho Ka Dhacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar maanta waxaa ka dhacay Kulan looga hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo iyo dhammaan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Kulanka oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa dhinacyadii ka qeyb galay ay iskula iskula soo qaadeen sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee magaalada Muqdisho, iyo sidii qorshe looga hortago loogu sameyn lahaa dadka dilalka ka geysta Muqdisho.

Shabaab ayaa maalmihii dambe waxa ay kordhiyeen dilalka iyo Qaraxyada loo yaqaano dhejiska ee ay ka geystaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay la beegsadaan Masuuliyiinta Dowladda, Askarta iyo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

444

01 444

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment