2439 Views

Guddiyada Dastuurka oo lashiray Madaxda dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada

Guddiyada Dastuurka oo lashiray Madaxda dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 7, 2017 – Shir looga hadlayay hanaanka dib u eegista Dastuurka ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada, waxaa kulanka shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha shacabka, Madaxda dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Dastuurka madax banaan iyo Guddiga kormeerka arrimaha dastuurka labada Aqal.

Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka iyo halka uu marayo ayaa shirka laga jeediyay, iyadoo lagu wado in bisha Janaayo ee sanadka 2018 la qabto shirweynaha dib u eegista Dastuurka, kaasoo bishii hore dib u dhac ku yimid.

Ka hor inta aan la gaarin sanadka 2020 ayaa qorshuhu yahay in la dhameystiro Dastuurka, isla markaana afti loo qaado, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.

Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyadoo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.

kulan-GD-DF-MG-3 kulan-GD-DF-MG-2 kulan-GD-DF-MG-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment