3993 Views

Sawiro:–Xulka Jubbaland Oo Ku Guuleysatay Tartanka Ciyaaraha D/Goboleedyada

Sawiro:–Xulka Jubbaland Oo Ku Guuleysatay Tartanka Ciyaaraha D/Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 22, 2017 Waxaa guud ahaan galabta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu soo gaba gabeeyay Tartanka kubadda cagta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo soo bilowday 7-dii bishan December.

Ciyaartii kama dambeysta ayaa waxa ay dhexmartay kooxaha Puntland iyo Jubbaland, waxaana ciyaartaas u soo daawasho tagay Taageerayaal ka badan Toban Kun oo qof, kuwaasi oo watay Calamada Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay kooxaha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, waxaana intii uu socday uu ahaa mid xiiso badan oo ay u daawasho tagi jireen Taageerayaal badan.

Ciyaartii galabta oo aheyd mid xiiso badan oo cayaartoyda labada dhinac uu ka muuqday diyaar garow weyn ayaa waxaa qeybtii hore lagu kala nastay bar baro 0-0, waxaana markii dib la isugu soo laabtay gool la timid Jubbaland, oo u dhaliyay kabtanka kooxda Yoonis C/raxmaan Maxamed oo Numberka 6-aad xirta, ugu dambeyna 1-0 ayay ku soo idlaatay cayaarta, oo Jubbaland ay koobkii ku qaaday.

Masuuliyiintii galabta cayaarta ka soo qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabid Maxamed iyo xubno kale, waxaana Madaxdan ay cayaartoyda iyo xubnihii ugu firfircoonaa Tartankan ay guddoonsiiyeen abaalmarino, iyada oo ugu dambeyn Jubbaland la sii koobkii ay qaaday.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa u hambalyeeyay labada xul ee maanta cayaaray kama dambeysta Tartanka, wuxuuna dhalinyarada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Nabadda iyo hormarka.

Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland waxaa ka bilowday dabaaldegyo waa weyn oo lagu muujinayo guusha kooxda Jubbaland, waxaana dabaaldegyada ay ka socdaan xaafadaha Farjano, Faanoole iyo Calanley.

Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ayaa ka xiiso badnaa kii hore, maadaama sanadkan cayaaraha qaar ay u daawasho tagayeen Madaxda Dowlad Goboleedyada qaar iyo Masuuliyiinta Dowladda, sidoo kalena cayaartoyda ay helayeen dhiiragelin.

u1 u2 u3 u4  u6 u7 u5u8 u10 u11

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment