2751 Views

Mareykanka: Garsoore dib u dhigay dib u celinta 92 Somali ah

Mareykanka: Garsoore dib u dhigay dib u celinta 92 Somali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09 2018 –Maxkamadda Gobolka Miami ee Dalka Mareykanka ayaa dib u dhigay qaadidda dacwad ka dhan ah 92 Soomaali ah oo dowladda Mareykanka ay dhawaan isku dayday in ay dib ugu soo celiso Soomaaliya.

Darrin Gayles, oo ah Garsooraha Maxkamadda Gobolka Miami ayaa sheegay in Soomaalida 92 Qof ah haddii si qasab ah dib loogu celiyo Soomaaliya ay suuragal tahay in ay ka faa’ideystaan Al-shabaab islamarkaana ay ku biiraan.

Waxaa uu sheegay in 22ka Bisha June ee soo socota uu go’aan kama dambeys ah ka gaarayo in Soomaalida 92 qof ah ay waligood sii joogayaan Mareykanka iyo in dib loogu celinayo Soomaaliya inta ka horreysana ay joogayaan Mareykanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay beegsadaan dadka Mareykanka ka laabta waxaana tusaale loogu soo qaatay dad Soomaali Mareykan ah lagu dilay qaraxii Soobbe oo ay ku dhinteen 512 Qof.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment