3945 Views

Ciidanka ammaanka oo la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir

Ciidanka ammaanka oo la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | january 21, 2018 – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dhow la wareegay ammaanka xarunta Gobolka Banaadir ee dowladda Hoose, iyadoo la kala eryay Ciidamadii booliska ee ku sugnaa xarunta.

Ciidamada la wareegay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa isugu jira Nabadsugid iyo Ciidamada gaarka ah ee dowladda.

La wareegitaanka Ciidamadan ee xarunta Gobolka Banaadir ayaa timid, kaddib markii xalay saqdii dhexe ciidamo fara badan lagu hareereeyay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Taabid oo xilkan hayay muddo ku dhow sagaal bilood, iyadoo lagu bedelay Wasiirkii Warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Dowladda Federaalka ayaa ku dhiiratay inay soo afjarto xiisada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Banaadir, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalka ku dambeyn doono.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment