2370 Views

Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed Oo Lagu Qabtay Laga Xusay Muqdisho

Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed Oo Lagu Qabtay Laga Xusay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2018 – Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Xuska munaasabadda sannadguurada 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ururadda Warbaahinta sidda  Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, iyo Madaxda ururrada Saxaafadda Madaxa Banaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hambalyay Suxufiyiinta iyo bahda Warfaafinta, sheegayna in ay muhiim tahay sidii looga faa’ideysan lahaa awoodda warbaahinta maanta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay sidii loo horumarinta lahaa xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay ka dhaxayso wasaaradaha dowlad gobolleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Heshiis saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Jaamacadda Ummadda iyo ururka NUSOJ ayaa lagu kala saxiixdey munsaabadda, kaas oo ku aaddan sare u qaadidda tayarada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

 

Y2 Y1

Copy of ghgggg

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment