2154 Views

Duqa Muqdisho Oo Shaqa Joojin Ku Sameeyey Shaqaale Cabirey Oo Bixiyey Dhul Waddo Ah

Duqa Muqdisho Oo Shaqa Joojin Ku Sameeyey Shaqaale Cabirey Oo Bixiyey Dhul Waddo Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 11, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.

Dhulkan oo ahaa waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Dharkiinleey, waxa ay laamaha baarista dhulka ee gobolka Benaadir ay soo xaqiijiyeen in si sharci darro ah ay dhulkan u soo cabireen shaqaalaha shaqada laga joojiyey.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu xilka la wareegey digreeto ku joojiyey dhismayaal dhulkan ah, iyadoona baaritaanka lagu ogaaday in Agaasimaha Waaxda Farsamada ee shaqada laga joojiyey iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waxdaas ay soo gudbiyeen warbixin ay ku musuq maasuqayaan dhulkan.

Eng.Yariisow ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha musuq maasuqa dhulka iyo bixinta ruqasadaha sharci darrada ah, taas oo asaas u ah qorsheyaasha Maamulka Gobolka ee ka dhanka ah musuq maasuqa.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan dhulka loo cabirayo ama laga iibsanayo iyo sharciyada loo jarayo ka hor inta aysan maalgashan, si ay uga hortagaan ciqaab iyo ganaax ay ku muteysan karaan maalgashiga dhulka danta guud.”

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanayaashan, taas oo horseedaysa guula laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo eexda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment