3030 Views

AKHRISO: Xildhibaanada Golaha Shacabaka oo soo saaray xeer lagu mamnuucay shirkadda DP World

AKHRISO: Xildhibaanada  Golaha Shacabaka oo soo saaray xeer lagu mamnuucay shirkadda DP World
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 12, 2018 – Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya oo kulan ay ku yeesheen xaruntooda waxa ay ku ansixiyeen xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay  Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucay DP World.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay in dalka laga mamnuuco Shirkadda DP World.

Kulanka Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 170 xildhibaan 168 Xildhibaan ayaa ogolaatay in Shirkadda dalka laga mamnuuco, hal Xildhibaan ayaa ka aamusay, halka midkalena uu diiday.

Xeerkaan ayaa waxaa ku xusan in xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay si deg deg ah u horkeento Baarlamaanka howlgallada laga qaadayo Shirkadda DP World.

Xeerkaan ayaa u baahan in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

r1 r2 r3

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment