2469 Views

Golaha Aqalka sare oo maanta isku raacay in dalka laga saaro shirkada DP World

Golaha Aqalka sare oo maanta isku raacay in dalka laga saaro shirkada DP World
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 15, 2018 —Xubnaha Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho, waxayna ka hadleen arrinta shirkadda DP World ee ku saabsan Dekeda Magaalada Berbera.

Kulankii Shalay ee Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan dhaliyay in lagu kala dareero kulanka Aqalka Sare kadib markii la isku khilaafay waqtiga ka doodista qodobkan, balse maanta ayay kulmeen.

Dood Kulul oo ay maanta yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saacado badan socotay, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday in xildhibaanada ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyaan arrinta shirkadda DP World.

28 ka mid ah xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaatay in dalka laga saaro shirkadda DP World, 6 ka mid ah xubanaha Aqalka Sare ayaa diiday halka 2 Mudane ay ka aamuseen, taasi oo ka dhigan in kulanka ay soo xaadireen 36 xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa warbaahinta u sheegay in xeerkan uu ka soo gudbay Golaha Aqalka Sare wixii hada dambeeyana uu u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ka sameysay Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay dalka.

Mar haddii xildhibaanada Aqalka Sare u codeeyaan xeerkii Baarlamaanka Golaha Shacabka, waxa uu xeerkan u gudbay Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo intaasi kadibna lagu soo saari doono faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka, xilligaasi wixii ka dambeeya waxaa bilaaban doona fulinta in dalka laga eryo DP World.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment