2037 Views

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay arrimo dhowr ah

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay arrimo dhowr ah
____________________________________________________________________________

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha Amniga, Midaynta Canshuuraha dalka, Qorshaha Horumarinta Qaxootiga soo laabanaya, Soo wareejinta Astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhim ah.

Muqdisho | QOL | March 15, 2018 — Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa looga dooday arimaha Amniga, Canshuuraha dalka iyo warbixino laga dhageystay qaar ka tirsan Wasaaradaha Xukuumadda.

Ugu horayn Wasiir ku xigeenka Amnigga Gudaha Soomaaliya ayaa laga dhagaystay warbxin soo koobaysa xaaladda guud ee amaniga dalka gaar ahaan ammaanka Muqdisho, wuxuu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ururka Al-shabaab ka qabsadeen degaano dhowr ah, sidoo kalena Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmahan Wasaaradda Gaashaandhigga ka wado dardar gelinta howlaha Amniga.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalaka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa Golaha warbixin ka siiyay mideynta Canshuuraha dalka, waxaana uu sheegay in Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay dhowaan sameynayaan sharci hagaya canshuurta.

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamaiga Xukuumaddda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Wasiirada u soo bandhigay aas aasidda Golaha Dhaqaalaha Dhaqanka, oo horumarka dalka ka qeyb qaadanaya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka warbixiyay Qorshe Dowladda Federaalka ay wax uga qabaneyso dadka ku soo laabanaya dalka iyo Barakacayaasha, waxaana ay tiro ahaan gaarayaan Saddex Milyan.

Ugu dambeyntii Eng. Cabdi Cashuur Xasan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta soo wareejinta Astaanta Qaranka (.SO) oo si buuxda ay Soomaaliya ula soo wareegtay, iyada oo Ra’iisul Wasaaraha uu arrintan ka mahadceliyay.

shirka-golaha-wasiirada-mar15

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment