3954 Views

DAAWO SAWIRADA:-Qarax Ismiidamin ah Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

DAAWO SAWIRADA:-Qarax Ismiidamin ah Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 25, 2018–Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabta ka dhacay wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan Kontorool Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee Koofi guduuda ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxa kadib uu cirka isku shareeray uuro madow, oo qaraxa ka dhashay, intaasi kadib Ciidanka Kontoroolka ayaa riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayeen falkan.

Nin isa soo miidaamiyay oo kaxeynayay gaari nuuca raaxada ah ayaa beegsaday Kontoroolka Ciidanka, goobta uu qaraxa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn waxaa ku taalla Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib gaaray goobta waxayna xireen wadooyinka soo gala halkaasi, iyada oo shacabka loo diidayay in ay halkaasi ka soo dhawaadaan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in halkaasi ay u direen Gaadiidka gargaarka deg dega ah ee Ambalaasta, ayna halkaasi ka soo qaadeen Meydadka Afar ruux iyo Shan qof oo dhaawac ah.

Dadka waxyeelada ay soo gaartay waxay u badnaayeen shacab, oo ay ka mid ahaayeen Wiil Dhalinyaro ah oo kaxeynayay Mooto Bajaaj cadaan ah iyo laba qof oo halkaasi ku sugayay gaari, sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayay gaari iyo Bajaaj halkaasi ku gubanayay.

Saraakiil cadaan ah ayaa sida caadada aheyd waxa ay tageen goobta uu qaraxa ka dhacay, sida ay doonaan ayayna u duubteen goobta, inta badan waxaa la arkaa marka ay wax dhacaan in ay goobta ay tagaan saraakiil cadaan ah, waxaanan jirin natiijo ka soo baxda baaritaankooda.

Khamiistii ina dhaaftay xilli galab ah ayay aheyd markii qarax gaari loo adeegsaday ururka Al-shabaab ay la eegteen Maqaaxi lagu shaaheeyo oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 20 qof.

m1 m2 m3 m4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment