2454 Views

Lacagtii laqabtay iyo wasaarada Amniga oo ka hadashay

Lacagtii laqabtay iyo wasaarada Amniga oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 9, 2018 – Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay lacag fara badan oo ku jiray illaa saddex boorso, kaasoo shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in lacagta la qabtay ay gaareysay 9,6 milyan, isla markaana ay socoto baaritaan ku aadan halka ay ka timid, meesha ay u socotay, cida wadatay iyo dantii laga lahaa.

Lacagta ayaa ku jirtay illaa saddex boorso, waxaana shalay la wareegay ciidamada ammaanka, iyadoo lacagta la geeyay Bankiga Dhexe.

Diyaaradda lacagta keentay ayaa ka timid dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, waxaana xilligii la qabanayay ku sugnaa garoonka Diblomaasiyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta oo uu ka mid ahaa Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al Cusmaan.

lacagtii-laqabtay

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment