5682 Views

Madaxweynaha oo ammaanay hawlkarnimada iyo anshaxa ciidanka kumandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha oo ammaanay hawlkarnimada iyo anshaxa ciidanka kumandooska ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 21 July 2016 (Villa Somalia) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada ciidammada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin rajada iyo tusaalaha dib u dhiska ciidammada dalka iyo dib u soo celinta dowladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta.

“Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah oo aysan ka soo waaqsan doonin. Waa waajib ina wada saaran inaan cadowgaas ka qabano shacabka ay gowracayaan iyagoo ku gambanaya magaca diinteena xaniifka ah, iyadoo aan ognahay in Ilaahay qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in bani’aadamku uu karaameysan yahay, naftiisana aan cayaar cayaar lagu goyn karin”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad fara badan, isla markaana loo baahan yahay in laga faa’iideysto iyadoo loo marayo dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Madaxweynaha waxaa uu si gaar ah mid mid ula hadley ciidankan gaarka ah ee kumandooska, isagoo u ballanqaaday in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii ay u dabooli lahayd caqabadaha ka haysta dhanka gudashada waajibaadkooda.

Kormeerkan, ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka, Mudane Xuseen Carab Ciise, Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Aadan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka, S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali iyo mas’uuliyiin kale.

kumaandoos-4 kumaandoos-2 kumaandoos-1 kumaandoos-6 kumaandoos-5 kumaandoos-3

.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment