3045 Views

Maxaa Sababay Baaqashada Kulanka Golaha Shacabaka ??

____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Kulan maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mar kale baaqday,waxaana socda wadatashiyo Guddoomiyaha Golaha shacabka uu la yeelayay Guddigii Maaliyadda ee la kala diray.

Sababta kulanka 31aad ee Golaha shacabka uu baaqday ayaan ilaa hadda la caddeyn hayeeshee waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya in sababtu tahay in Guddoonka Golaha shacabka uu ku mashquulsanyahay arrinta Koofur Galbeed gaar ahaan Ciidamada dowladda dhexe ay geysay Baydhaba, iyo ka qeybgalka doorashada ee Mukhtaar Roobow la xiriirta.

Afar kulan oo hore ayaa ka baaqday golaha shacabka khilaaf ka dhashay Guddigii Maaliyadda ee la kala diray darteed,waxaana wali muuqda is jiid jiid u dhaxeeya hoggaanka sare ee dalka.

Ajendayaasha horyaalla waxaa ka mid ah hindise sharciyeedyada ka soo gudba dhinaca xukuumadda iyo kuwa ka soo gudbka aqalka sare ee ay dib u eegista ku sameynayaan.

Kulan maanta ay yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mar kale baaqday,waxaana socda wadatashiyo Guddoomiyaha Golaha shacabka uu la yeelayay Guddigii Maaliyadda ee la kala diray.

Sababta kulanka 31aad ee Golaha shacabka uu baaqday ayaan ilaa hadda la caddeyn hayeeshee waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya in sababtu tahay in Guddoonka Golaha shacabka uu ku mashquulsanyahay arrinta Koofur Galbeed gaar ahaan Ciidamada dowladda dhexe ay geysay Baydhaba, iyo ka qeybgalka doorashada ee Mukhtaar Roobow la xiriirta.

Afar kulan oo hore ayaa ka baaqday golaha shacabka khilaaf ka dhashay Guddigii Maaliyadda ee la kala diray darteed,waxaana wali muuqda is jiid jiid u dhaxeeya hoggaanka sare ee dalka.

Ajendayaasha horyaalla waxaa ka mid ah hindise sharciyeedyada ka soo gudba dhinaca xukuumadda iyo kuwa ka soo gudbka aqalka sare ee ay dib u eegista ku sameynayaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment