1023 Views

Ahlusunna oo ka hadashay dhacdadii Maanta kuna eedeysay DFS

Ahlusunna oo ka hadashay dhacdadii Maanta kuna eedeysay DFS
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 25 2019 | —Maanta Ciidamo ka tirsan NISA ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay joojyeen Munaasabad Xubno ka tirsan Ahlusunna ku qaban lahaayeen Magaalada Dhuusamareeb taas oo lagu taageerayey 20 Xildhibaan ee Ahlusunna laga siiyey Xildhibaabannada Galmuduig.

 

Xildhibaan Shaacir Sheegow oo kamid ah Xildhibaannada Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay joojisey munaasabadaas,isla markaana Hay’adaha Amniga ay caburin ku haayaan Ahlusunna.

 

 

 

Wareysi uu siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in shalay Hay’adaha Amniga ay ku wargeliyeen qabashada Munaasabadaas,hayeeshee tan ay u muuqato inay ka dambeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment