915 Views

Hir-Shabeelle oo guddi u saartay wax ka qabashada Cudurka Shuban Biyoodka

Hir-Shabeelle oo guddi u saartay wax ka qabashada Cudurka Shuban Biyoodka
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 28-2020—Madaweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta waxaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu kulan kula qaatay Hay’adaha Samafalka ee ka howlgalla Gobolkaas.

 

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Maamulka gobolka iyo kan degmada Baladweyne ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa cudurka Shuban biyoodka oo saacadihii la soo dhaafay ay dad u geeriyoodeen kuwo kalena ay la jiifaan.

 

 

 

Inta uu kulanka socdey ayaa waxaa maamulka Isbitaalka Baladweyne looga dhageystay Warbixin ku saabsan dadka uu soo ridey Cudurka Shuban biyoodka,iyaga oo sheegay in ilaa 120 ruux la keenay isbitaalka Baladweyne.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare & Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale oo Warbaahinta la hadley ayaa waxaa ay sheegeen in guddi loo saarey waxka qabashada Cudurka Shuban biyoodka,kuwaas oo ka kooban Maamulka Hirshabeelle iyo Hay’adaha Samafalka ee fadhigoodu yahay Baladweyne.

 

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadato sidii loo xakameyn lahaa cudurkaas.

 

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa waxaa uu ka dilaacey deegaano ka tirsan Gobolka hiiraan,waxaana saacadihii la soo dhaafay la sheegay inay u geeriyoodeen in ka badan 12 Ruux.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment