810 Views

DFS oo faah faahisay Go’aankii hubka looga mamnuucay gudaha garoonka Aadan-Cadde

DFS oo faah faahisay Go’aankii hubka looga mamnuucay gudaha garoonka Aadan-Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 04, 2021–Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay sababaha keenay Go’aanka lagu mamnuucay in Mas’uuliyiinta ay hubka la galaan Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in iyaga ay codsadeen in dadka mas’uuliyiinta ah aysan hubka la soo gelin Gudaha Garoonka.

Waxaa uu sheegay in Amniga Garoonka Aadan-Cadde uu yahay mid la isku haleyn karo, sababaha ugu weyn ay u dalbadeen in aan hub lala soo gelina ay tahay in Gudaha Garoonka markii ay mas’uuliyiin ka duulayaan ama kasoo degayaan ay ku arkeen Ciidamo isbarbar yaacaya oo wata hub farabadan, taasina ay sababi karto amni darro.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa isaga oo ka jawaabaya in Go’aan kaan loola dan leeyahay Midowga Musharixiinta & Xubnaha Mucaaradka ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin dad sigaar ah loola danb leeyahay, balse kaliya sugida amniga ay ku dadaalayaan.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa uu intaasi ku daray in sanadkii 2016-kii xilligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la soo saaray go’aan ah in aan hubka lala geli karin Garoonka kaasna uu la mid yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post