1776 Views

Wasiirkii hore ee Difaaca somaliya oo geeriyooday

Wasiirkii hore ee Difaaca somaliya oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Ilaahay  naxariista janno haka waraabiyo waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Wasiirkii hore ee gaashaandigga Soomaaliya Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Cali-Bayr.

Marxuum Cabdiraxmaan waxaa uu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ciidanka Soomaaliya, sida Taliyihii qeybta 60-aad ee Baydhabo, madaxa howlgelinta ciidanka Qaranka, militariga ataajiiga Soomaaliya ee Ciraaq iyo Mareykanka, madaxa xiriirka arrimaha Dibadda ee Wasaaradda gaashaandhiga, Xildhibaan iyo Wasiir Gaashaandhiga.

Marxuum Cabdiraxmaan waxaa u ku dhashay magaaladda Laas Qoray ee  Gobolka Sanaag sanadkii 1935. Marxuumku waxaa uu waxbarashadiisii militariga ku soo qaatay wadamada Masar iyo dawladii hore ee Midowga Soofiyeet-ka (dalka Ruushka) oo laba jeer waxbarasho militari loogu diray.

Waxaa kale oo uu waxbarsho la xiriirta militariga ku qaatay dalka Mareykanka. Marxuum Cabdiraxmaan ayaa ka qeyb galay dagaalkii 1964 oo uu ku dhawaacmay, biladna lagu siiyey. Alle ha u naxariisto Jeneraal Beyr.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post