1104 Views

Biden iyo Erdoğan oo markii ugu horeysay kulmaya

Biden iyo Erdoğan oo markii ugu horeysay kulmaya
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa war kasoo baxay Xukuumada Washington lagu sheegay in uu dhawaan kulankoodii ugu horreeyay oo laba geesood ah uu dhici doono bisha Juun Dalka Belgium.

Kulanku wuxuu  ka dhex curan doonaa shirkii 14-kii Juun ee hoggaamiyaasha NATO ay ku yeelan doonaan magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana loo isticmaali doonaa “in looga wada hadlo arrimo badan oo khuseeya laba dhinac iyo arrimaha gobolka,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalka Cad, ka dib markii ay hoggaamiyeyaashu yeesheen wadahadal taleefanka ahaa.

Intii ay wadahadalka taleefoonka ah socdeen Biden ayaa sheegay sida uu u danaynayo xiriir wax ku ool ah oo laba geesood ah, kaasi oo laga yeesho dhinacyada ballaarinta ee iskaashiga iyo maaraynta wax ku oolka ah ee khilaafaadka.

Baaqa ka imaanaya Mareykanka ayaa ah kii ugu horreeyay ee dhexmara Biden iyo Erdogan tan iyo markii madaxweynaha Mareykanka uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkaan 2021-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post