882 Views

NISA oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Keydkii Ugu Weynaa Al-Shabaab Ee Muqdisho

NISA oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Keydkii Ugu Weynaa Al-Shabaab Ee Muqdisho
____________________________________________________________________________


isniin: November 29, 2021

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah, kadib howgalqorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobolkani Banaadir.

Ciidanka oo Howgalka si gaar ah uga fuliyay Xaafadda Suuqaxoolaha ee dagmada Heliwaa ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigen Seddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, iyo Keyd hub ah, oo ay sheegeen inuu ahaa kii ugu weynaa ee Al-Shabaab.

Sawirro la faafiyay ayaa muujinaya Hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ka mid yihiin hubka cul-culus, kaasi oo sida Saraakiishu ay sheegeen ku keydsanaa Xaafadda ay howgalka ka fuliyeen.

“Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa xalay ka fuliyay Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ayaa lagu soo qabtay saddex Horjooge oo Alshababaa ka tirsanaa. Halwgalkan qorshaysnaa ee ay fuliyeen Ciidanka NISA ayey ku soo qabteen Keydkii Hubka ee ugu weynaa ee Alshabaab, kaasoo oo ka koobnaa  noocyada kala duwan ee hubka oo ay u adeegsanayeen dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lag yiri Qoraal ay soo soo saareen NISA.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post