909 Views

RW Rooble” Suurtagal maahan in Somalia colaadiso dalal ay kala dhaxeeyaan dano badan

RW Rooble” Suurtagal maahan in Somalia colaadiso dalal ay kala dhaxeeyaan dano badan
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post