405 Views

Dowladda Somalia oo ka hadashay Qarax lagu dilay maamule iskuul

Dowladda Somalia oo ka hadashay Qarax lagu dilay maamule iskuul
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa ka hadashay dil Maanta Magaalada Muqdisho loogu geystay Maamulihii Iskuulka dowladda ee degmada Deeyniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle) kadib qarax Miino oo lala eegtay gaari uu watay xilli uu marayay Xaafada Bangala ee degmadaasi Deeyniile.

Wasiirka Waxbarshadda, Eng Cabdullahi Abuukar Xaaji, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cabdiraxman Mohamud Cabdulle Jaabiri , Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Marwo Nuuriya Aadan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Abbi Hassan, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashadda ayaa tacsi tiiraanya leh u diray Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Macalin Daahir Xasan Tooxow, oo ka mid ahaa Maamulayaasha Dugsiyadda Dowladda gaar ahaan Maamulaha Schoolka Dayniile oo ku geeriyooday Qarax lagula beegsaday Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Wasaaradda

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana xusid mudan in halka uu qaraxa ka dhacay dhowr jeer qaraxyo kala duwan lagula eegtay mas,uuliyiin katirsan Maamulka degmada Deeyniile.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post