870 Views

Aroosad sun ay u qooshtay ninkeeda ku dishay 15 qof oo reer xididkeeda ah

Aroosad sun ay u qooshtay ninkeeda ku dishay 15 qof oo reer xididkeeda ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Booliiska Pakistan ayaa xiray haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisa ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadkafuqurada ah ee dalka Pakistan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weysay.

Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baaritaan lagu sameeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post