Muqdisho, April 29, 2016: Kulan lagusoo gaba gabeynayay shirkii looga hadlayay tayeynta qaabdhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho 3-dii maalin ee lasoo dhaafay ayaa lagu qabtay kuliyadda tabbaarka ciidanka Booliska Jeneral Kaahiye, iyadoo halkaasi ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Boolsika Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Amniga Maamul Goboleedyada, mas’uuliyiin ka socday gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo khubaro dhanka sharciga ah oo ayagu meesha joogay.
shirkaan intii uu socday, ayaa waxaa le’isku raacay in Boolsika Heer Qaran iyo kuwa maamul goboleedyada ay si dhow u wada shaqeeyaan, iyadoo Wasiirka amniguna uu magacaabay Guddi arintaasi ka shaqeyn doona si howsha Boliska ay isula jaan qaado.
Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay wdaaan dadaallo dib u habeyn loogu sameynayo ciidanka Booliska, isla markaana kor loogu qaadayo tababbarada Booliska la siinayo, si tayadooda u muuqato.
Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga gudaha Somaaaliya ayaa halkaasi ka sheegay in guddiga uu magacaabay ay ka kooban yihiin Wasaaradda Amniga Federaalka, xubno ka socda Maamul Goboleedyada iyo Sharciyaqaano, isagoo xusay in looga fadhiyo inay ka soo tala bixiyaan howlaha Booliska iyo wax qabadkooda mustaqbilka.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________