Khamiis: June 16, 2022
Madaxweynaha dalka faransiiska imaanawal makroon,hogaamiyaha Jarmalka Oolaf Iskoolaz ,Reysulwasaaraha taliyaaniga Mariyo Daraagi iyo madaxweynaha Romaaniya ayaa booqasho rasmi ah kutagay magaalada Kiyeef ee caasimadda yukreeyn waxaana lafilayaa in ay lakulmaan madaxweynaha Yukreeyn Faladamiir zalaniski.
Socdaalkan ay kutageen yukreeyn madaxda waddamada faransiiska,taliyaaniga iyo jarmalka ayaa qaatay todobaadyo si loo agaasimo safar ay u isticmaalaan tareen kaasi oo ay manta kugaareen kiyeef iyadoo ay jirtay saluug laga qabo sida waddamada ree galbeedka ay uga falceliyeen duullaanka ruushku u kuqaadau Yukreeyn.
Safiirka faransiiska ufadhiya yukreeyn ayaa bartiisa tuwiitarka soo dhigay sawir ay kuwadajireen saddexda hogaamiye kaasi oo laga qaaday xilli ay kusugnaayeen tareenka ay kusocdaalayeen waxaana sawirkaas qaadday sawir qaade kamid ah shaqaalaha warbaahin laga leeyahay wargeys kasoo baxa taliyaaniga.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________