Sabti: AUGUST 6, 2022
Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed madax ka tirsan waxay magaalada Baydhabo ku qaabileyn Madax ka socotay Hay,adda UNDP oo Baydhabo soo gaaray.
Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Amniga,Arimaha, Gargaarka, Cadaalada, Haweenka iyo Sarakiil ka socday Madaxtooyada, ayaa kulankaan la qaatay madaxda ka socotay Hay,adda UNDP oo Baydhabo soo gaaray.
Kulanka Wasiirada iyo Madaxda UNDP waxaa diirada lagu Saarayey taageerida hay,adda UNDP dhinacyada Amniga,Gargaarka iyo Hirgelinta Mashaariicda.
Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhinacyadii ka socotay Hay,adda UNDP uga mahadceliyey taageerida ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan deegaannada Maamulkaas.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________