Arbaco: January 4, 2023
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegay inuu ka dhacay dagaal u dhexeeya Shacabka magaalada iyo Ciidanka maamulka Somaliland, Waxaana jira khasaare Dhimasho iyo dhaawac, Iyadoo weli uu Khadka internetku maqan yahay maalintii 4aad.
Arintan ayaa ka dambaysay sida wararka sheegayaan kadib markii ciidamada Somaliland ay toogteen Wiil dhalinyaro ah Alle ha u naxariistee.
Shahiidka ay dileen ciidanka Somaliland ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Ilaalada Ganacsade Maxamed Jabuutaawi.
Xaalada magaalada Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay dalbanayaan inay ka baxaan ciidanka Somaliland, Sidoo kale waxaa gobolka ka Bilowday weeraro hubaysan oo looga hortagayo Ciidanka Somaliland.
Office Nairobi Kenya
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________