3003 Views

Digniin la siiyay Shirkadaha Canshuurta la dhuunta.

Digniin la siiyay Shirkadaha Canshuurta la dhuunta.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 14, 2016: Nuur Faarax Jimcaale,Hanti dhowrka guud ee Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku daba jirto shirkado caalami ah kuwaa soo uu sheegay in ay la dhuuntaan canshuurta dalka.

Hanti dhowrka Nuur, ayaa sheegay in shirkadahaasi looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta dalka hadii kale ay dowladda Soomaaliya ka qaadi doono tilaabo waafaqsan sharciga.

Nuur Faarax Jimcaale, ayaa sheegay in dowladaha maalgashiga ku sameynaya dalka looga baahan yahay in ay bixiyaan canshuurta dalka , hadii kale laga qaadayo tilaabo ku haboon.

Mudane Nuur Faarax, ayaa tusaale u soo qaaday shirkadaha ka ganacsada Garoomada diyaaradaha ee dalka ka jira  oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay si deg deg ku bixiyaan Canshuurta dalka, si ay uga fakadaan seefta Sharciga Canshuuraha.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment